R/Wasaare ku xigeenka dalka iyo Axmed Madoobe oo kulan ku yeeshay Garoowe.

13

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, iyagoona ka wadahadlay xaalada siyaasadeed uu xiligan marayo dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Weriyaha KNN ee Magaalada Garoowe Cabdi Qani Cabdullaahi ayaa soo sheegaya in kulanka uu ka dhacay hoyga uu Garoowe ka daggan yahay R/Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed, waxaana ku booqday Axmed Madoobe.

“Waxaa  hoyga aan ka daganahay caasimadda Puntland ee Garoowe igu soo booqday Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed-madoobe)” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Doodda shirka sanadka ayaa ku qotonta “sidee looga bixikaraa ku-meelgaar-nimada daba-dheeraatay sanadka 20205″.

Shirka waxaa qayb ka ah Madax ka socota DFS, Madaxweynayaal hore ee Soomaaliya iyo Puntland, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwo ka tirsan Dowladdaha Xubnaha ka ah, masuuliyiin ka socda bulshada rayidka ah, culimo, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madasha Heritage sanadkan, waxaa looga doodi doonaa Xasilinta Dalķa, dhameystirka Dastuurka, qabasho doorasho qof iyo cod ah 2025 iyo yagleelida Nidaam federaal oo shaqeynaya.