Kheyre oo ku baaqay in la dhameeyo muranka ka taagan doorashooyinka.

15

Xasan Cali Kheyre  R/wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlayay shirka madasha wadatashiga ee ka socda magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada Siyaasadeed uu xiligan marayo dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

R/Wasaarihii hore ayaa waxaa uu sheegay inay waajib tahay in xal waara laga gaaro Arrimaha doorashooyinka ee xiligan khilaafka uu ka taagan yahay, si buu yiri ay dalka uga dhacdo doorasho la isla ogolyahay.

Mr Kheyre ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in hadii aysan dhicin xalka gaarista Arrimaha doorashooyinka ay dhici karto in lala kulmo caqabado ka waaweyn, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in sababta ay ugu sugan yihiin magaalada Garoowe aytahay dhameynta khilaafka hareeyay arrimaha doorashooyinka.

Shirka madasha aragti wadaagga ee ka socda magaalada Garoowe ayaa  waxaa qayb galaya  Madax ka socota DFS, Madaxweynayaal hore ee Soomaaliya iyo Puntland, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwo ka tirsan Dowladdaha Xubnaha ka ah, masuuliyiin ka socda bulshada rayidka ah, culimo, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madasha Heritage sanadkan, waxaa looga doodi doonaa Xasilinta Dalķa, dhameystirka Dastuurka, qabasho doorasho qof iyo cod ah 2025 iyo yagleelida Nidaam federaal oo shaqeynaya.