Hoggaanka sare ee Daacish oo la sheegay inuu khilaaf soo kala dhex galay.

14

ska hor imaad xoogan ayaa dhexmaray ururka  Daacish ee ka dagaalamaya qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay 3 dagaalame, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Warbixinada ka imaanaya deegaanada  ay kooxdan kaga sugan yihiin  Puntland ayaa sheegaya in dagaalka kooxda dhex doodi u dhaxeeya uu yimid kadib markii ay laba dhinac ay  u kala jabeen.

Dagaalka ayaa ka dhacay Buuraha Maksid ee degaanada Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Khilaafka kooxdan ayaa ka dhashay cidii badali lahayd hoggaamiyaha kooxdaan Cabduqaadir Muumin oo ka soo goostay Al-shabaab oo isaga la daala dhacaya cuduro badan oo ay ugu weyntahay sokorowga.

Hoggaamiyahaan ayaa da’diisu sii caga cageenaysaa 80jir, waxaana ilo xog ogaal ah ay sheegeen in xanuun daran uu sariir la saaran yahay.

Kooxdaan ISIS ee Somalia ka dagaalanta ayaan wali ka hadlin dagaalka dhexdoodi dhex maray iyo khilaafka  soo kala  dhex galay ee salka ku haya cidii badali lahayd Hoggaamiyahoodii Cabduqdir Muumin.