Banaanbax rabshada wata oo ka dhacay Beledweyne

13

Bannaanbax rabshado wata ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana maanta si weyn looga dareemay bannanbaxaasi Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaaladu, iyadoo la arkayay dad Shacab ah oo isugu soo baxay Qaar kamid ah waddooyinka waa weyn ee Caasimadda Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Bannaanbaxa ayaa waxaa dhigaya dad shacab ah, waxaana ay kaga soo horjeedaan maamulka Hirshabeelle, iyadoo ay ku dhawaaqayaan dadka shacabka ahi Erayo ka dhan ah Maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen.

Ciidanka ammaanka ayaa isku dayay in ay ka hortagaan  dadka shacabka ah ee dhigaya Bannaanbaxa, waxaana Ciidanku ku guuleysteen in ay meelaha qaar ka kala cayriyaan dadka bannaanbaxayay, wallow Xaafadaha qaar ay si weyn  ugu bannaan-baxeen dadku.