DFS oo Faahfaahin ka bixisay koox burcad ah oo lagu qabtay Muqdisho

3

Taliska Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay howlgal ay ciidamada booliska ku soo qabteen rag burcad ah oo dhac ka geysan jiray xaafadaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya  Dhame Sadiiq Adan Cali (Duudishe)  oo wareysi siiyay KNN ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan , islamarkaana ay ciidamada booliska Soomaaliya ay gacanta  ku soo dhigeen rag hubeysan oo lagu sheegay inay ahaayen burcad dhac ka geysaneysay degmadaasi.

Sidoo kale Afhayeenka  ayaa sheegay in ragga la soo qabtay ay gaarayaan illaa saddex qof, islamarkaana gacanta lagu dhigay, iyaga oo xillgaas dhac ka geysanayey waaxda Halgan oo ka tirsan degmadaasi.

Ragga gacanta lagu dhigay ayaa sidoo kale watay mooto Bajaaj iyo qoray AK47 ah oo ay ku dhacayeen dadka deegaanka ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka booliska Soomaaliya.