Qoor qoor”Aniga iyo Deni waxaan bilownay inaan xalino tabashooyinka laga qabo doorashooyinka”

37

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka hadlayay shirka madasha aragti wadaagga oo ka socda Magaalada Garoowe ayaa sheegay in isaga uu haatan wado dadaalo lagu dhameynayo cabashooyinka ka taagan arrimaha doorashada dalka oo la filayo sanadka 2021-ka ay bilowdaan

Mr Qoorqoor ayaa tilmaamay in sababta uu u yimid Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ay tahay xal u helidq xaaladda siyaasaseed ee cakiran iyo muran xoogan oo ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa soo hadal qaaday in isaga iyo madaxweyna maamulka Puntland Saciid Deni ay ku howlan yihiin sidii loo soo afjari lahaa muranka ka jira doorashada kal hore lagu heshiiyay, isla markaana ay la kulmi doonaan Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ka soconaya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Sidoo madaxweyne Qoor qoor ayaa ugu baaqay madaxda DFS, maamul goboleedyada, iyo musharixiinta in ay ka shaqeeyaan xasiloonida dalka, islamarkaana ay u turaan shacabka soomaaliyeed