Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Magaalad Gaarisa

18

Khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya guddoomiyaha County-ga Gaarisa Cali Bunow Qorane iyo ku-xigeenkiisa Cabdi Dhaqane Muxumed ayaa sare usii kacaya.

Xiisaddan siyaasadeed ayaa soo shaac baxday kadib markii maxkamd ku taalla magaalada Nairobi ay musuq maasuq ku eedaysay Cali Bunow Qorane, go’aankaas oo guddoomiyaha ku amray in aanu xafiiskiisa u shaqo tagin.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada Gaarisa ayaa wada dadaal ku adan sidii loo qaboojin lahaa xiisadaasi Siyaasadeed si aysan saameyn ugu yeelan degaanka.