Shirka Madasha Aragti-wadaagga ee Machadka Heritage oo si rasmi ah uga furmay Garowe

64

Waxaa magaalada Garowe ee gobolka Nugaal hadda si toos ah uga furmay shirkii maalmahan lagu waday in uu la dhaco magaaladaasi, balse soo maray wajiyo kala duwan.

Shirkan ayaa waxa uu baaqday marar kala duwan iyadoo uu si toos ah maanta u furmay, waxaana hadda ka socota magaalada Garowe munaasabadda shirka.

Waxaa gebi soo wada xaadiray masuuliyiinta Puntland iyo dhammaanba wufuuddii maalmahan ku sii qulqulaysay Garowe si ay shirkan uga qayb noqdaan.

Lama oga mudada uu sii socon doono shirkan, maadaama ay marar kala duwan wax iska bedeleen jadwalkiisa, balse geba gebada ayaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan waxyaabaha laysku afgarto.