Wadada xiriirisa Matabaan iyo Beledweyne oo go’day

24

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ay gebi ahaanba go’an tahay, wadada xiriirisa magaalooyinka Beledweyne iyo Matabaan.

Go’doonka ki yimid wadadan ayaa waxaa la sheegay in ku dhawaad mudo 24 saac ah ay dhan tahay, waxaana la sheegay in sababtu ay tahay kadib dilal ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa la sheegay in la dilay saacidihii la soo dhaafay,halka in ka badanna ay dhaawacyo soo gaareen.

Kooxo u hubeysan hab beeleed ayaa la sheegay in dilalkan ay geysteen, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Degamada Matabaan ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa ku soo baddanayay dilalka qorshaysan iyo dagaalo ka dhacayay, kuwaas oo intooda badan salka ku haya aanooyin qabiil.