Banaanbaxyo xoog leh oo maanta ka dhacay Baydhaba

8

Magaalada Baydhaba ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxaa la sheegay in uu ka dhacay banaan baxyo.

Inta badan jidadka iyo wadooyinka waaweyn ee magaalada ayaa waxa isugu soo baxay dad weyn ka caraysan falkii magaalada Muqdisho maalin ka hor loogu gaystay qaar ka mid ah hawl wadeennadii iyo ciyaartooydii maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dadkan banaan baxaya ayaa dalbanaya in ciyaartoydan ay dhaawacyada soo gaarsiiyeen taageerayaasha gobolka Banaadir ay helaan cadaalad.

Inta badan masuuliyiinta iyo shacabka ka soo jeeda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa arrintaan ka carooday.

Waxaa jirta in wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha KGS uu u sheegay warbahinta in masuuliyiinta gobolka Banaadir ay jawaab cad ka bixiyaan falkan, haddii kalena aysan ka qayb geli doonin kulamada ciyaaraha ee soo aadan.

Maanta oo Arbaca ah ayaa lagu waday in kulankii kama dambeysta haa ee ciyaaraha gobollada iyo gobolka Banaadir uu ka dhaco magaalada Muqdisho, balse uu cadeeyay maamulka gobolka Banaadir in uu dib u dhacay , berri ayaana lagu wadaa in uu dhaco, inkasta oo aan la shaacin sababta keentay dib u dhaca.