Qoysas ay soo barakiciyeen Al-Shabaab oo soo gaaray degmada Marka

26

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in qoysas badan oo ay soo barakiciyeen Al-Shabaab ay soo gaareen duleedka Degmada Marka.

Dadkan ayaa waxa ay u badan yihiin dad danyar iyo beeralay ah, kuwaas oo ku noolaa tuulooyiin hoos taga Janaale,wexa ayna isugu jraan rag da’ ah iyo dumar, iyo sidoo kale caruurtooda.

Al-Shabaab oo ku sugan tuulooyinka ay ka soo barakeceen ayaa waxaa la sheegay in ay ku amreen in ay isaga guuraan guryahooda, sidaas darteedna ay naftooda la soo carareen.

Dadkan ayaa si gaar ah ugu sugan deegaanka Buufoow oo ku yaalla duleedka degmada Marka, iyag oo aan haysan wax hoy ah iyo cunto ay cunaan.

Lama oga sababta ka dambeysa iyo ujeedada ay ka leeyihiin AL-Shabaab qoysaskan faraha badan ee ay ka soo barakiciyeen hoygoodii.