https://www.youtube.com/watch?v=p3Rd7hqVkl0

3

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa maanta waxaa ka dhacay banaan baxyo rabshado wata.

Dhammaan suuqyada kala duwan ee Laascaanood ayaa lagu soo waramayaa  in  maanta  xiranyihiin  , waxaana ganacsatada yar yar  ee Hilibka iyo Khudaarta iibiya ay halkaas ka sameeyeen  banaanbax  ay ku diidan yihiin in  la furo ganacsiga waaweyn ee magaalada.

Ganacsatada banaan baxaya  ayaa ka cabanaya go’aanka ganacsatada haysta ganacsiyada waaweyn ay  ku diideen isticmaalka Lacagta Shiling Soomaaliga ah, oo mudooyinkii u dambeeyay sii yaraanayay isticmaalkiisa , kadib markii uu hoos u dhac xoogan ku uu ku yimid.

Diidmada Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee gudaha Puntland, gaar ahaanna Garoowe, Boosaaso iyo Laascaanood, ayaa saamayn ba’an ku yeelatay bulshada danyarta ah iyo kuwa murug maalka ah oo aan awoodin inay helaan Lacagta Doollarka si ay wax ugu iibsadaan.

Si la mid ah banaan baxaan maanta ka dhacay magaalada Laascaanood, waxa ay horay uga dhaceen magaalooyin ku yaalla Puntland, kuwaas oo ay dhigeen dad ka soo horjeeda diidmada Lacagta Shillig Soomaaliga .