Maamulka G/Banaadir oo amarro dul dhigay hey’adaha ka howlgala Muqdisho

14

Maamulka gobolka Banaadir ayaa amarro dul dhigay hay’adaha ka hawlgala degmooyinka ay ka kooban tahay gobolka Banaadir.

War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu amray hay’adahan gaar ahaan kuwa ka shaqeeya arrimaha Bulshada ay isku soo diiwaan geliyaan mudo kooban.

Qoraalka oo ka koobnaa Afar qodob ayaa waxaa lagu amray hay’adaha in ay sida ugu dhaqsiyaha badan gaar ahaan inta luga gudo jiro sanadkan 2020 oo ay ka dhiman tahay Saacado kooban in ay iska diiwaan geliyaan xafiiska guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti.

Hoos Ka Akhriso:-

1: in Dhamaan hay’adaha ka Shaqeeya arrimaha Bulshada aysan ka howlgelli karin magaalada Muqdisho, iyaga oo aan warqad ruqso ah ka heysan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir  inta uusan dhamaan Sanadka 2020.

2: In Hay’addii aan isku soo diiwaangelin Shaqooyinka u diyaarsan sanadka 2021 in aysan ka Shaqeyn doonin dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilabo horaanta sanadka 2021.

3: Kadib markii lagu arkay habka ay wax u maamulaan hay’adaha Bixiya Gargaarka ka Shaqeeeya arrimaha Bulshada degmooyinka Gobolka Banaadir in aysan aheyn wax ku haboon dadka la gaarsiinayo ayaan waxaan go’aan sanay in jaangoyn iyo nidaam ku sameeyno hay’ad kasta oo ka Shaqeeysa arrimo bulsho si ay u yaraato isbarbar yaaca ka jira markii ay timaado qeybin, xog arruurin ama qiimeyn.

4: In dhamaan hay’adaha ka howlgalla gobolka Banaadir laga bilaabo Maanta inay iska soo diiwaangeliyaan Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir  Basma Caamir Shakeeti.