Shiinaha oo xukun ku riday Weriyihii ugu horreeyay ee dalkiisa ka tebiyay xanuunka Covid-19

8

Gabadh weriye ah oo u dhalatay Shiinaha taas oo soo tebisay dillaacitaankii coronavirus ee magaalada Wuhan ayaa lagu xukumay afar sano oo xabsi ah.

Zhang Zhan waxaa lagu eedeeyay “muran iyo abuuridda dhibaato”, oo ah eedeyn uu inta badan Shiinaha u adeegsado dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka.

Haweeneydan 37 jirka ah oo hore u ahayd qareen ayaa la xiray bishii May, dhowr bilood ayayna cuntada ka soontay. Qareennadeeda ayaa sheegay in xaaladdeeda caafimaad ay liidato.

Ms Zhang waa mid ka mid ah dhowr weriye oo dhibaato kala kulmay tebinta fayraskii ka dillaacay Wuhan.