Guddigii Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Oo La Kala Diray

9

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Goodhow ku dhawaaqday in la kala diray Guddigii Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxday Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya.

Qoraalka Wasaaradda Ganacsiga ayaa waxaa lagu sheegay in Guddigii Rugta Ganacsiga loogu eedeeyay inay Cuuryaamin ku hayeen howlaha Ganacsiga iyo Ganacsatada dalka, isla markaana lagama-maarmaan noqotay in la kala diro.

Sidoo kale Wasaaradda Ganacsiga ayaa magacaawday Guddiga KMG ah oo ka shaqeeya howlaha Ganacsiga dalka, kuwaasi oo ka kooban 7-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Mas’uul lagu magacaabo Cabdullaahi Nuur Cismaan.Guddiga KMG ah ee la magacaabay ayaa waxaa mas’uuliyadooda tahay inay sii wadaan howlahan Ganacsiga dalka iyo diyaarinta mudda Doorashada Guddiga Cusub uu yeelanayo Guddiga Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.