Faahfaahino ka soo baxaya rag lagu dilay magaalada Muqdisho

12

Wararka aan ka heleyno degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxay sheegayaan in lagu dilay Seddax askari oo ka tirsanaa ciidanka Nabad sugidda qeybtooda dharcadda ah.

Dilka raggaas waxaa fulisay koox ku hubeysan bastoolado, kuwaas oo goobta isaga baxday.

Dilka askartaas ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka buundooyinka, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku darayaan in ay baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi dilka ah , waxaana goor dambe goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray isku socodka wadada.