Mahdi Guuleed oo tagay magaalada Garowe

7

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa Garowe ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Mahdi Guuleed ayaa magaalada Garowe u tagay ka qayb galka shir la filayo in maalmaha soo aadan uu ka furmo.

Maalmihii u dambeeyay magaalada Garowe ayaa waxaa ku qul qulayay masuuliyiin kala duwan iyo wufuud ay hoggaaminayaan, kuwaas iyaguna qayb ka noqon doona shirka Garowe ka furmi doona.