Ciidamo Haramcad ka tirsan oo maanta lagu daabulayo magaalada Beledweyne oo ku jirta xaalad Bandow ah

16

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya kuwooda u tababaran sida gaarka ah ee Haramcad ay maanta tageen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamadan ayaa waxa ay hawlgallo ka samayn doonaan magaalada Beledweyne oo maalmihii u dambeeyay ay ku soo badanayeen, bannaan baxyada looga soo horjeedo maamulka Hirshabeelle,isla markaana ay dalbanayeen dadka banaan baxa dhigayay in gobolka Hiiraan loo aqoonsado maamul gaar ah.

Sidoo kale isla maanta ayaa ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Haramadcad waxaa la sheegay in ay ka soo baxeen maagalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug iyagoo ku wajahan magaalaa Beledweyne.

Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay in hadda ay joogaan degmada Matabaan ee duleedka ka ah magaalada Beledweyne, ayna ku sii wajahan yihiin magaalada Beledweyne, inkasta oo aan la ogayn tiradooda rasmiga ah ee ay ka kooban yihiin.

Horay waxaa magaalada Beledweyne ugu sugnaa ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti, kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay bandow ku soo rogay gebi ahaanba magaalada Beledweyne, sidoo kalena dhaq dhaqaaqyo ka samaynayay xaafadaha ay ka kooban tahay, dadkana ku celinayay guryahay si ay uga hortagaan in aysan markale dhicin banaan baxyada hareeyay Beledweyne maalmihii u dambeeyay.