Duqa Muqdisho oo ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday waqooyiga Muqdisho

13

Cumar Maxamuud Maxamed  (Filish)  Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banadiraayaa si kulul uga hadlay  dagaalkii maalmo ka hor  ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir,waxaa uuna sheegay inuu aad ugu xun yahay falka ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa waxaa uu ugu baaqay shacabka  inay ka hortagaan dadka korkooda  ku dagaalamaya, isla markaana meel uga soo wada jeestaan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda ay awood u leedahay in ay tilaabo ka qaato dadka dhibka u geysanaya shacabka, balse uu sheegay in dad badan ay hadhow arrintaasi walaac ka muujin doonaa.

“Dowladdu awood ayay leedahay balse  diyaar uma ahan intay idinka idin jiirto inay u tagto wiilashiinna dambiga sameynaya nooga hormara oo la hadla wiilashiinana celiya si looga baaqsado dhibaato dalka ka dhacda ayuu yiri” Guddoomiye Cumar Filish.