R/Wasaare Rooble” wadahadal ayaan la fureynaa qofkasto oo cabasho ka qaba doorashooyinka”.

18

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir muhiim ah la qaatay wakiiladda iyo safiiradda Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya  kaa oo looga hadlayey Dar-dar galinta hananka doorashadda dalka .

Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa caddeeyay sida ay xukuumadda uga go’an tahay qabashada doorasho nabdoon in xukuumadda ay ka go’an tahay qabashada doorasho si nabdoon ku dhacda  isagoo mar kale ku celiyay inuu diyaar u yahay in uu la fariisto cid kasta oo cabasho ka qabta arrimaha doorashooyinka

Waxa uu sheegay in musharaxiinta cabashada ka qaba doorashada uu diyaar u yahay inuu la fariisto oo uu wax ka qabto tabashadooda, xafiiskiisuna uu u furanyahay.

“Walaalaha yaga cabashada ka qaba doorashada, waxaan u sheegayaa inuu u furanyahay albabaabkeyga, diyaarna aan u ahay inaan xal waara ka gaarno cabashadiina, waxaan idin leeyahay is dejiya, looma baahna in xasarad dadka lagu kicinaayo la abuuro, aan wada dhowrno shacabka reer Muqdisho iyo hantidooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Rooble.