Ammaanka Garoowe oo la adkeeyay iyo wafuud halkaasi ku qulqulaysa

13

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku qul qulaya wafuud kala duwan oo kala socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha musharixiinta mucaaradka ah.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya amniga wafuuda ku sugan halkaasi.

Magaalada Garoowe ayaa beri waxaa ka furmaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga, waxaana ka qeyb galaya guddoomiyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo xubnaha musharixiinta mucaaraadka ah.

Ajandaha shirka sanadkan ayaa waxaa uu yahay mid diiradda lagu saari doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.