Xildhibaannada golaha shacabka ah oo kulan ku leh Muqdisho

11

Xildhibaannada Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ee haatan waqtigooda uu dhamaaday ayaa maanta kulan ku leh Magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ah ayaa maanta ah Akh 2aad Qoondada Miisaaniyadda 2021 taasi oo horay ay u marsiiyeen akhrinta koowaad.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha shacabka Cabdiwali Ibaraahim Shiikh Muudey, maadaama uu guddoomiyaha Golaha shacabka uu ku maqanyahay magaalada Garoowe

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo  xilheyntooda uu shalay ku ekaa, inkastoo  guddoomiyaha golaha shacabka uu sheegay in ay sii joogayaan ilaa iyo inta Baarlamaanka cusub laga dooranayo, waxana weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo u baahan inay meel mariyaan.

Muddo xileedka dastuuriga ah ee baarlamanka Soomaaliya waa afar sannadood, waxaana sharcigu dhigayaa in marka gole xilka haya mudadiisu dhamaatoba la soo doorto kii bedeli lahaa.