Wafdi uu hoggaaminayo Xasan Cali Khayre oo ku wajahan Garowe iyo amniga oo aad loo adkeeyay

16

Xasan Cali Kheyre reysal wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo xubno la socda ayaa lagu wadaa gelinkii dambe ee maanta in ay gaaraan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, halkaasi oo uga qeyb geli doonaan shir uu soo qaban qaabiyay machadka Heritech , kaasi oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sida lagu heli karo Sastuur dhammeystiran oo looga gudbo midkan qabyada ah.

Magaalada Garoowe ayaa horay waxaa u joogay guddoonnada Labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya , siyaasiyiin musharixiin, xildhibaanno iyo Ururrada Bulsahda rayidka ah, kuwaasi oo iyaguna ka qeyb gelaya shirka halkaasi ka furmaya.

Sida xog hoose ay sheegeyso waxaa lagu wadaa in madaxweyneyaasha Puntland, Jubbaland, guddoonnada Labada Aqal musharaxiinta iyo Ururrada Bulshada rayidka ay qaadan doonaan , kulan looga hadlay xal u helidda khilaafka ka taagan hannanka Doorashada ee dalka, maadaama muddo xileedka baarlamaanka  Soomaaliya uu maanta ku egyahay,  lana doonayo in maalmaha soo aaddan la dhiso Baarlamanka 11aad ee bedalaya kan 10aad ee hadda waqtigu ka dhammaaday.

Shirka ay yeelanayaan masuuliyiintaan ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobbo lagu dhaqaajinayo howlaha doorashada si loo guda gelo doorashada baarlamaanka labadiisa aqal iyo midda madaxtinimada.

Maanta ayaa magaalada Garowe waxaa lagu arkayaa ciidamo ku sugan wadooyinka iyo jidadka waaweyn ee magaalada kuwaas, oo sugaya amniga guud ee magaalada .

Sidoo kale waxaa la arkayaa ciidamada oo baaritaanno ku samaynaya dadka iyo gaadiidka magaalada si ay u sugaan amni.