Booliska G/Hiiraan oo dad ku dhaawacay kuwo kalena ku xiray Beledweyne

18

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ay markale ka dhaceen bannaanbaxyo ay dhigayeen shacabka magaalada.

Banaanbaxan ayaa ahaa mi ay uga soo horjeedaan maamulka Hirshabeelle, isla markaasina ay ku dalbanayaan in maamul cusub loo sameeyo gobolka Hiiraan, si ay uga go’do maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada Booliska gobolka Hiiraan ayaa waxa ay rasaas ay fureen la sheegay in ay ku dhaawacantay ruux Dumar ah, kadib markii ay ugu tagtay gurigeeda oo ay ku sugneyd.

Sidoo kale Ciidamada Booliiska ayaa waxa ay maanta xireen qaar ka mid ah dadkii bannaan baxyada ka dhigayay magaaladaasi.

Jidadka iyo wadooyinka waaweyn ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo fara badan, kuwaas oo ku dadaalaya sidii ay u joojin lahaayeen bannaan baxyada sida is daba jooga ah uga dhacayay magaaladaasi.

Bannaanbaxayaasha oo aad u caraysnaa, ayaa maanta waxa ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah maamulka Hirshabeelle, iyagoo oo dhagxaan ku tuuraya mararka qaar goobaha ganacasiga ee magaalada, kuwaas oo hadda qaybtood la xiray.