Madaxweyne Deni oo go’aano cusub ka soo saaray sicir-bararka ku dhuftay Puntland

19

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay magaalada Garowe, kuwaas oo meelaha qaar lagu gubay boorarkii ay ku xardhanaayeen sawirradiisa ee ku dhaganaa magaalada.

Banaanbaxyadaas ayaa ka dhashay sicir-barar baahsan oo ku dhuftay deegaanadaPuntland, kaas oo dadku ay ku eedeynayaan maamulka.

Saciid Deni ayaa soo saartay go’aanno lagu xakamaynayo sicir-bararka iyo qiima dhaca Shilin Soomaaliga ee ka taagan degaannada Puntland, kaas oo saamayn ba’an u gaystay nolosha bulshada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in dowladdu go’aamisay in 10% canshuurta dekedda Boosaaso lagu qaado Shilin Soomaali, si buu yiri looga jawaabo cabashada ka timid ganacsatada.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in xukuumaddu go’aamisay in $10 dollar iyo wixii ka yar aan la isugu diri karin adeegyada lacagta danabaysan ee shirkadaha isgaarsiinta.

Saciid Deni ayaa sheegay in go’aankan ay xukuumadiisu ku dhawaaqday uu ku yimid soo jeedinta guddi loo xil-saaray inay ka soo tala bixiyaan arrimaha sababay sicir-bararka iyo sidii looga bixi lahaa.