Puntland oo amarro culus ka soo saartay banaanbaxyada hareeyey deegaanadeeda

4

Maamulka Puntland ayaa amarro dul dhigtaya dadka dibad baxyada ka dhigaya deegaannada maamulka Puntland.

Taliyaha Ciidamada Booliiska gobolka Bari ee Puntland Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in tallaabo ay ka qaadi doonaan dadka dibad baxyada ka dhigaya deegaannada Puntland, gaar ahaan kuwa dhaca gobolka Bari.

Taliyahaya ayaa waxa uu sheegay in dibad baxyadan ku soo noq noqday deegaannada maamulka Puntland uu u muuqdo md ay soo abaabuleen dad aan rabin dhismaha maamulka iyo sii jiritaankiisa.

Waxa uu sheegay in tani ay tahay qorshe ay doonayaan in ay ku abuuraan bur bur iyo kala tag, taasina aysan ka ogolaan doonin.

Deegaannada Punland ayaa waxaa ka dhacayay maalmihii u dambeeyay banaan baxyo ay dhigayeen dadka shacabka ah, kuwaas oo ay uga soo horjeedeen sicir barar ku yimid sarifka Lacagaha qalaad(Dollar-ka) iyo sidoo kale ganacsatada qaar oo diiday in ay qaataan Lacagta Shilling Soomaaliga ah, iyagoo sheegay sababta ay u qaadan waayeen in ay tahay in maamulka Puntland ay diiday in ay Canshuurta ku qaado Shilling Soomaali.