DFS oo ku dhawaaqday ciidamo gaar oo ka shaqayn doona sugidda Amniga Doorashooyinka

1

Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandigtay qorshaha sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wado in ay qabsoomaan horraanta sanadka ina soo aadan ee 2021.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga xukumadda Soomaaliya Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in qorshaha amniga doorashooyinka ay dejiyeen, isla markaana dowladda Federaalka & dowlad goboleedyada ay ka wada heshiyeen.

“Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada waxaa ay dajiyeen qorshe amini oo ay isla ogolyihiin Ciidamo loogu tala galey oo ka kala socda ciidamada maamul goboleedka, kuwa federaalka iyo ciidamada AMISON ayaa loo diyaariyay doorashooyinka, waxaana ay ka howl gali deenood 11-ka magaalood ee doorashooyinka loo asteeyay in ay ka dhacaan”  ayuu yiri wasiir Farxaan.

Ugu dambeyn wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga xukumadda Soomaaliya Farxaan Cali Axmed ayaa shacabka soomaaliyeed ka codsaday in ay ka qeyb qaataan sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho ku dhacda jewi nabad ah.