War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa waxaa looga hadlay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay ka fuliyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Taliska ayaa sheegay in duqeynta ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, halka mid kalana ay ku dhaawaceen.
Qoraalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay qiimeyn ku sameyn doonaan in khasaaraha ay dadka rayidka ah ka soo gaareen duqeyntaasi iyo in kale.
“Waxaan qiimeyneynaa in ay khasaaro ka soo gaartay dadka rayid ah, duqeyntan oo sababtay in argagaxisada ay baqaan, islamarkaana ay cararaan.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale Taliska africom ayaa sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono weerarada dhinaca cirka ee lagu kala beegsanayo dagaalameyaasha Al-shabaab ee ku sagan qeybo ka mid ah dalka.