Wasiir Janaan” waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Farmaajo inuu iscasilo “

14

Cabadi Rashiid Xasan Nuur Janan wasiirka Amniga ee maamulka  Jubbaland oo warbaahinta kula hadlaayay duleedka degmada Beledxaawo ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  inuu dhibaatada ka daayo shacabka ku nool gobolka Gedo.

Wasiir Janaan ayaa sheegay in  dowladda Soomaaliya ay  degmooyinka gobolka Gedo ay diyaarado ku geyntay ciidamo ay sheegtay in ay yihiin kuwo la dagaallamaya Kenya, balse talaabada ay qaaday

Sidoo kale Wasiirka  ayaa   waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha in uu iscasilo, oo uu qaato talooyinka uga imaanaya bulshada Soomaaliyeed si uusan dalku u burburin.

Hadalka wasiir Janan ayaa imaanaya xili dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan ay dhawaan geysay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.