Wasaaradda ganacsiga Kenya oo raadineysa suuq u bedela Soomaaliya

15

Wasaaradda ganacsiga dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa inay raadiso seddex suuq oo cusub oo loo dhoofiyo qaadka ka soo go’a dalkaas, waxaana suuqii ugu weynaa ee qaadka oo ahaa Soomaaliya meesha ka saaray khilaafka diblomaasiyadeed dowaladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xoghayaha guud ee wasaaradda Johnson Weru, oo la kulmay wafdi ganacsato ah oo uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Meru Kiraitu Murungi ayaa sheegay in wasaaradu ay bilaabi doonto ka qeyb galka dalalka ay ka mid yihiin Jabuuti, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo Mozambique.

Mr. Weru ayaa sheegay in wasaaraddu ay warbixinno ka bixin doonto suuqyada cusub dhammaadka bisha Maarso ee sannadka soo socda.

“Waxaan helnay codsi ka yimid beeraleyda waxaana la shaqeyn doonnaa adeegeena diblomaasiyadeed si aan wadahadal ula furno Jabuuti, DR Congo, Mozambique iyo wadamada kale ee Africa. Maamulka gobolka waa inuu abaabulaa beeraleyda si ay uga shaqeeyaan shuruucda wadamada aan la ganacsanayno,” Ayuu yiri Mr Weru.