Shir mar kale Muqdisho uga furmay golaha midowga musharaxiinta

15

Shir u dhaxeeya xubnaha golaha midowga musharaxiinta mucaaradka ah ayaa goor dhaw ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo diirada lagu saarayo xaaladda guud ee dalka.

Ilo wareedyo aad ugu dhaw madaxda ku shireysa Muqdisho ayaa KNN u sheegay in madaxdu ay shirkaas uga arrinsanayaan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Sidoo kale waxay musharraxiinta mucaaradka ah kulankooda ku soo qaadi doonaan xaaladihii u dambeeyey ee soo kordhay, gaar ahaan dibadbaxyadii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah.

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa weli aad uga biyo diidan hannaanka ay dowladda federaalku ku wajaheyso hir-geinta doorashada dalka, gaar ahaan arrinta guddiyada magacaaban ee lagu muransanyahay.