Golaha waxbarashada gaarka ah oo baaq u diray maamulka G/Banaadir

13

War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Waxbarashada gaarka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xafiiska agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir uusan sharciyad u heysan bixinta ruqsada waxbarashada iyo koormeerka.

War-saxaafadeedka oo ka koobnaa 4 qodob ayaa sidoo kale lagu sheegay in xafiiska agaasinka waxbarashada gobolka banaadir uu adeegsanayo magaca midowga dalladaha waxbarashada iyo hay’ado waxbarashada dowliga ku dhex milmay oo uu qeyb ka yahay agaasinka waxbarashada gobolka.

Golaha Waxbarashada gaarka ah ee Soomaaliya ayaa ka digay in xilligaan kala guurka ah lagu takri falo awoodda dowladeed, isla markaana uu isticmaalayo shaqsiyaad aan xil ka heyn waxbarashada gaarka ah.

Hoos ka akhriso bayaan ka soo baxay golaha