Somaliland oo aqoonsi lacag uga bedelaneysa dalka Malaawi

10

Wasiirka arrimaha dibedda Malawi Eisenhower Mkaka oo kiraystay diyaarad ay leedahay shirkadda Malawian Airlines waxa ay ka degtay Magaalada Hargeysa ee Somaliland si uu Madaxda Somaliland uga helo malaayiin doolar isaga iyo saraakiil kooban oo dawladda ka tirsan taas oo u horseedaysa Somaliland in Malawi ay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato.

Sarkaal Malawi u hadlay ayaa yiri ” Waxaan daaha ka qaadi karnaa in Mkaka uu kireystay diyaaradda si uusan dhibaato ugula kulmin saraakiisha socdaalka ee dalalka kale haddii uu duullimaad ganacsi ah uu raaco”.

“Wuxuu halkaas u tagayaa inuu lacag ka helo Maamulka Somaliland ee Madaxbanaanida raadinaya, in badan oo ka mid ah naftiisa iyo in yar oo kale oo gacan yarayaasha ah oo dowladda ka tirsan. Taasi waa run”. Ugu dambeyn waxaa naloo sheegi doonaa ayuu yiri  in Malawi ay xiriir diblomaasiyadeed la yeelatay Somaliland, ”

Sarkaalkaan ayaa sheegay in tani aysan aheyn markii ugu horeysay ee Mkaka uu jeebka ku rito laaluush tan iyo markii uu noqday Wasiirka Arimaha Dibada mudo lix bilood ka hor.

Waxaa la sheegay inuu ka soo uruuriyay dowladda Hindiya US $ 900,000 si loo hubiyo in taalada hogaamiyihii hore ee Hindiya Mahatma Gandhi laga taagay magaalada Lilongwe kadib markii ay iska caabin kala kulantay Malawiyiintii deganeyd magaalada Blantyre oo ay ku jirto amar maxkamadeed oo lagu joojinayo howsha.

Mkaka wuxuu kaloo ku lug leeyahay baxsashada Shepherd Bushiri oo asbuucyo ka hor ka baxsaday Koonfur Afrika. Waxaa la sawiray isaga iyo kaaliyayaashi oo Bushiri Hotel kula kulmaya dalka South Africa halkaas oo uu lacag kahelay si uu uga caawiyo Bushiri inuu ka baxsado South Africa.