Kenya oo laga dalbaday in 48-saac ay ciidamada Janan uga saarto Mandheera

3

Waxaa maanta magaalada Mandheera oo ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ka dhacay banaanbaxyo lagu dalbanayey in magaaladaas laga saaro ciidamada wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, bilihii la soo dhaafay ku sugnaa Mandheera.

Shacabka magaalada Mandheera ayaa dowladda Kenya u gudbiyay cabasho ku aadan in ciidamada wasiir Janan looga saaro dhul beero ah oo ay ku leeyihiin duleedka magaalada, halkaas oo ay saldhigyo ka sameysteen.

Golaha muslimiinta dalka Kenya ee SUPKEM ayaa sidoo kale cabasho ka dhan ah wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan u gudbiyay dowladda Kenya.

“Dowladda ayaan warbixinteenna u gudbinay maamulkana wuxuu noo sheegay inuu arrinkan madaxweynaha u gudbin doono, waxaana aaminsannahay inay codsigeena tixgelin doonan, muddo 48 saacadood gudahood ah inay Janan ka saaran ayaan doonaynaa” ayuu yiri guddoomiyaha golahaas Cabdulmajiid Khaliif Maxamed oo BBC la hadlay.

Shacabkan oo isugu jiro cuqaal, culimo iyo haweenka magaalada ayaa saakay cabashadooda hor dhigay mas’uulka dowladda dhexe wakiilka ugu ah magaalada Mandheera.

Dadkaas ayaa dalbaday in 48-saac gudadood wasiir Janan iyo ciidamadiisa looga saaro saldhigyada ay uga suganyihiin magaalada Mandheera oo aad ugu dhaw magaalada Beled-Xaawo oo ay dowladda Soomaaliya geysay ciidamo aad u badan oo ka tirsan militeriga Soomaaliya, kuwaas oo wal-wal ku abuuray dadka reer Mandheera.