DF oo faahfaahin ka bixisay shirkii lagu dhexdhaxaadinayey Soomaaliya iyo Kenya

13

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo kamid ahaa wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee ku sugan magaalada Jabuuti ayaa sheegay in IGAD ay cadaadis xoogan ku saareyso inay xaliso xiisada Kenya.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo afmeermay shirkii madaxda IGAD ayaa waxa uu sheegay in madaxda ku bahoobay ururka IGAD ay dowladda Soomaaliya cadaadis ku saareen sidii xiisada kala dhaxeysa Kenya loogu xalin lahaa golahaas, iyada oo la dejinayo xiisada.

“Madaxda IGAD waxay aad cadaadis ugu saareen Soomaaliya in arrinta Kenya uu noqdo mid lagu xalliyo IGAD dhexdeeda, oo uu noqdo mid laga gaaro wada-hadal iyo is afgarad oo halkaas arrimaheena ku xallino, tallaabada ugu horeysa ay tahay in xaalada la dejiyo iyo xiisadda, Soomaaliya taas waa ogolaatay, laakiin waxaan ku xirnay shuruud ah in loo saaro guddi arrimaha ay Soomaaliya ka ashtakooneysay,” ayuu yiri.