Rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo gaari ay wateen oo lagu qabtay Gaalkacyo

8

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen magaaladaasi ay ku qabteen rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Gaadiid ay wateen.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay kordhiyeen howlgalada ay ka sameynayaan magaalada Gaalkacyo, kadib qaraxii maalmo ka hor ka dhacay magaaladaasi oo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan milatriga Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in hawlgalkii ugu dambeeyay ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ay ku soo qabteen Labo nin iyo Gaari  ay Wataan, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka magaaladaasi.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in haatan ragan ay ku socdaan baaritaan, islamarkaana ay ku xiran yihiin saldhiga booliska ee magaalada Gaalkacyo.