Ciidamada ammaanka oo xalay howlgalo ka sameeyay Kaaraan.

20

Ciidamo  ka tirsan Mitalariga Soomaaliya  ayaa  xalay arkay  Isgoysyada Sanco iyo Kaaraan ee Waqooyiga Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ay baadi goobayeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga oo maalmo ka hor ku dagaalamay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay xalay howlgalo culus ay ka wadeen qeybo ka mid ah degmada Kaaraan, mana jiraan weli dad loo soo qabtay howlgalka.

Dowladda ayaa dooneysa in ay soo afjarto xiisada Degmada Kaaraan oo la sheegay in ay ku lug leeyihiin Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda.