Digniin laga soo saaray in Al-Shabaab ay weeraro ka fuliyaan dalka.

22

Xarunta Al Azhar ee la dagaalanka Xagjirnimada ayaa ka digtay Hanjabaadaha Al shabaab ka imaanaya oo qorsheenaya weeraro cusub oo argagexiso inay gaystaan.

Bayaan ka soo baxay  xaruntaan oo  fadhigoodi yahay Dalka Masar ayaa lagu sheegay in Dagaalamayasha Al shabaab ay ka faa’ideysanayaan waqti kala guurka Somalia iyo xiliga adag ay Somalia wajahayso.

Waxa intaa lagu daray in kabixitaanka ciidamada Mareykanka iyo Ciidamadii Ethiopianka ee Uga baxay Somalia qalalaasihii Dagaal ee Gobolka Tigreey iyo Diyaar garowga ay Somalia ugu jirto Doorashada Dalka.

“ Cabsi xoog leh ayaan ka muujinaynaa in Al-Shabaab ay weeraro ka fuliyaan Soomaaliya, inta la jiro kala guurka iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya”.