Akhriso: Nuxurka war-murtiyeed laga soo saaray shirkii IGAD ee Jabuuti

26

Marka la eego qeybta Soomaaliya khusaysa war-saxafadeedka kasoo baxay shirkii IGAD ee Jabuuti ka qabsoomay, waxaa aad looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalku galayo sanadkaan dhamaadka ah iyo kan soo socda ee 2021-ka.

Waxaa lagu yiri war-saxaafadeedka, “ Waxaa lasoo dhawaynayaa sida Soomaaliya ugu diyaar garoobayso doorashooyinka 2020 – 2021-ka, ayadoo la raacayo habraacii heshiiskii ay bishii September wada gaareen dawladda federalka iyo madaxda dawlad goboleedyada.”

War-murtiyeedka IGAD ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa muhiim ah oo loogu baaqayaa dawlada iyo dawlad goboleedyada, in la qaado tilaabooyin lagu fududeynayo in doorashadu si xasiloon u dhacdo, ayadoo la xalinayo khilaafka jira ee dhanka doorashadda la xariira aadna loo ixtiraamo heshiisyadii Dhuusamareeb lagu gaaray 17-kii September 2020, si doorashadu waqtigeeda ugu dhacdo.”

Sidoo kale bayaankan waxaa lagu bogaadiyay dadaalka lagu bixiyay dib u habaynta iyo diiwaangelinta ciidamada Soomaaliya iyo taageerada AMISOM si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu dambeyn qoraalka kasoo baxay shirkii IGAD ayaa lagu yiri “Waxaa lasoo jeedinayaa in lasii wado wadahadallada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana la amaanay doorka ay fududeynta wadahadalladaan ku leeyihiin dawladaha gobolka.”

Bayaanka ayaa lagu soo hadal qaadin, sida laga yeelay khilaafka dhanka diblomaasiyada ah ee u dhaxeeya dawladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ajanadaha shirkaan ku jiray, aadna loo filayay in lagu soo hadal qaado.