Senator Mustaf Qorax oo xubin ka ahaa Aqalka Sare oo Hargeysa iska dhiibay

14

Waxaa maanra magaalada Hargeysa gaaray Mustafe Qodax oo ahaa Senator ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Mustafe Qodax ayaa sheegay inuu iska casilay xubinimadii golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo afartii sano ee la soo dhaafay uu ka mid ahaa, haatana uu cafis weydiistay xukuumadda Somaliland.

Weriyaal ku sugan magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Mustafe Qodax uu ka soo ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta oo maalmihii dambe uu ku sugnaa. Waxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu dib ugu laabto magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayuu Mustafe warbaahinta la hadlay waxuuna yiri, “Aad ayaan u faraxsanahay, dareenkayga lama soo koobi karo,  muddo afar sano iyo bil ah oo aan ka maqnaa magaaladii aan ku barbaaray ee Hargeysa, inaan kusoo noqdo oo la igu soo dhoweeyo aad ayaan ugu faraxsanahay ,bahda saxaafadda iyo bahdii goloyaasha ee isoo dhoweeyey. Xilkii aan ka haayey Soomaaliya waan iska casilay, waxaana cafis ka soo dalbaday madaxda Somaliland.”

Mustafe waxa uu noqday xildhibaankii labaad ee sanadkan isaga baxay baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka horeeyey Maxamed Cumar Carte Qaalib oo arrimo u gaar ah uga baxay xubinimadii golaha shacabka, isla markaana iska dhiibay magaalada Hargeysa.