11-cisho kadib RW Rooble oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

13

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta soo gaba-gabeeyey safarkii uu ku tegay deegaanada Puntland iyo Galmudug oo uu maalmahaan ku maqnaa.

Ra’iisul wasaare Rooble aya galabta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho, kadib safar qaatay 11-cisho oo uu ku tagay deegaanada dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Safarka Rooble ayaa ku qotomay arrimaha doorashooyinka, iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada iyo u kuurgalidda nolosha bulshada ku nool deegaanada uu booqashada ku maray 11-kaas cisho, sida lagu shaaciyey war ka soo baxay xafiiskiisa.

In yar ka hor inta uusan ka soo bixin Gaalkacyo ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka qeyb galay caleema saarka  Guddoomiyaha  cusub ee degmada Gaalkacyo ee dowald goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, waxuuna doorashadiisii ku tilmaamay tallaabo horay loo qaaday oo bulshada loo dhaweynayo maamulka.

“Waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday doorashada guddoomiyaha cusub ee Gaalkacyo. Xukuumadeyduna way dhiirrigalineysaa  wayna taageereysaa iyo degmooyinka dalka oo dhami doortaan maamulkooda, oo ay lana xisaabtamaan. Tani  waxay tusaale u tahay daadajinta maamulka iyo in dadku iyagu doortaan cidda ay doonayaan” ayuu yiri Rooble.