Maqalle: Gabadhii Meles Zenawi oo xabsiga loo taxaabay

46

Gabar uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa xabsiga la dhigay, sida ay shaacisay hooyadeed.

Semahal Meles waxaa lagu xiray magaalada Maqalle ee caasimadda gobolka Tigray, sida ay warbaahinta u xaqiijisay Azeb Mesfin, oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Meles Zenawi.

Ciidamada militeriga dowladda federaalka Itoobiya ayaa magaalada Maqalle la wareegay dabayaaqadii bishii November, kaddib markii lasoo afjaray dagaal socday saddex isbuuc oo u dhaxeeyay iyaga iyo xoogagga Tigray ee daacadda u ah xisbiga TPLF.

Semahal waxay Maqalle u safartay ka hor inta uusan dagaalka dhicin, si ay uga soo sameyso cilmibaaris ku aaddan filim ay ka diyaarineysay aabbeheed Zenawi, oo ahaa nin magac weyn ku dhex leh qabiilka Tigray iyo xisbiga TPLF ee muddada dheer soo hayay talada dalkaas.

Meles wuxuu hoggaanka Itoobiya hayay intii u dhaxeysay horaantii 1990-kii  ilaa markii uu dhintay oo ahayd sanadkii 2012-kii.