Xubno Al-Shabaab ah oo afduubtay guddoomiyihii deegaan ka tirsan G/Waqooyi Bari Kenya

37

Wararka aan ka heleyno gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Gummarreey oo hoos taga magaalada Wajeer.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay deegaankaas kala wareegeen cuiidamo ka tirsan booliska Kenya oo ku sugnaa, waxayna afduubteen guddoomiyihii deegaankaas, sida ay ku shaaciyeen war ay ka soo saareen weerarka Gummarreey.

Ciidamadii ka tirsanaa booliska Kenya ee ku sugnaa deegaankaas ayaa isaga cararay, kadib markii ay weerar ku qaadeen dagaalamayaashaas ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay inay mudo kooban gacanta ku hayeen maamulka deegaanka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaas kadib ay deegaan kale oo lagu magacaabo Iliila ay ku gubeen xarun ay ku laheyd shirkadda isgaarsiinta Safaricom oo ka howlgasha gudaha dalka Kenya.