Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray sanad guurada 77-aad ee Booliska Soomaaliya

5

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hambalyo ku aadan sanad guuradooda 77-aad u diray ciidamada booliska Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 77-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed” ayuu lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay naftooda u huraan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dalkooda.”

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa Astaan qaran iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda qaran” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska warfaafinta Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladdu ay ku xoojinayso ciidamada, kor u qaadidda tababarradooda, joogteynta iyo kordhinta mushaarkooda, iyada oo la hirgeliyey hannaan askari kasta uu si toos ah ugu helaayo xuquuqdiisa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha muga weyn ee dib-u-dhiska iyo xaqiijinta amniga dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan ku sugan dalka Jabuuti halkaas oo uu maanta uga qeyb gelayo shir u dhaxeeya madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya ku jirto.

Shirkaas waxaa la sheegay in looga hadli doono arrimaha gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, xaaladda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya iyo saameynta Coronavirus ee gobolka.