Dagaal ka dhacay duleedka gobolka Hiiraan

28

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta uu dagaal ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Halgan, waxa uuna u dhexeeyay ciidamo Itoobiyaan ah iyo Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay adeegsanayeeen Labada dhinac, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay inta uu gaadhsiisan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku bilowday kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiyaanka ah, iyaguna ay sameeyeen iska caabin.

Hadda waxaa lagu soo warramaya in xaalada deegaanku ay tahay mid degan, dagaalkii saacadaha socdayna uu istaagay.