Taliska AFRICOM oo war ka soo saaray ka bixitaankooda Soomaaliya

11

Ciidamada Mareykanka ee jooga qaaradda Africa ee AFRICOM loo yaqaanno ayaa waxaa ay sheegeen in ay sii xoojinayaan Hawlagaladooda qaaradda AFRICA si gaar ah Bariga Africa.

Ganaraal Stephan Towsend oo ah Taliyaha Ciidamada AFRICOM ayaa waxaa uu sheegey in ay dib u xoojinayaan, Xoogaga Qaranka Soomaaliya oo mar walba ay diyaar u yihiin ka gacansiinta la dagaalanka Al-Shabaab.

Tani ayaa waxa ay imaaneysaa iyada oo dhawaan Mareykanka uu sheegey in Ciidamadiisu intooda badan uu kala baxayo gudaha Soomaaliya, waxaana Gen.Stephan uu kaga jawaabayey, qoraalkaani ka soo baxay AFRICOM ,hadal hayn ku saabsan ka bixitaanka Ciidamada Mareykanka ee gudaha Soomaaliya, taas oo warbaahinta caalamka iyo kuwa gudahaba ay si weyn u hadal hayeen maalmihii dambe.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegey in bixitaankooda aaney ka dhigneyn, in Mareykanku oo joojiyey hawlgalkiisa Soomaaliya , islamarkaana ay makasta diyaar u yihiin fulinta hawlgaladooda gaarka ah.