Kenya oo sheegtay inay dacwad ka gudbi doonto Soomaaliya

2

Afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay tallabadii ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay dhigeeda Kenya.

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dacwad ka dhan ah Soomaaliya u gudbineyso ururrada IGAD, COMESA iyo Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay ku degdegtay tallaabadii ay xiriirka ugu jartay Kenya, isagoo sheegay in labada dal ay yihiin deris aan kala maarmin.

Cyrus Oguna waxa uu intaas ku daray in dowladda Kenya aysan ka aarsan doonin tallaabadii ay ku dhaqaaqday ee xiriirka ay ugu jartay Kenya, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay tahay saaxiibka dhow ee Kenya.

Cyrus ayaa yiri, “Dowlada Soomaliya waa ay deg degtay ma aheyn, Anagoo Walaalahood ah in ay xiriirka noo Jaraan, waxaan nahay  deris iyo Saaxiibo aan kala maarmin hadana kama aarsan doono balse waxaan Cabashadeena u gudbin doonaa IGAD, COMESA iyo African Union si naloo heshiisiiyo.”