DF Soomaaliya oo si adag ugu digtay Kenya, kadib eedeyn culus oo ay u jeedisay

31

War ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay si dhaw ay ula socoto abaabulka militeri oo dowladda Kenya ay maalmahaan ka wado xadka ay wadaagaan labada dal.

Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Kenya ay halkaas ka abaabuleyso jabhad hubeysan oo ay ugu tala gashay inay xasilooni darro ka abuurto gudaha Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogaatay in ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureyeen magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka” ayaa lagu yiri.

Warka dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madax-banaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”