QM iyo dowladda Baxreyn oo si adag uga hadlay qaraxii lagu laayey saraakiisha

9

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa si kulul u canbaareeyay weerarka is-miidaaminta ahaa ee Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee hobolka Mudug.

Qaramada Midoobey waxay tacsi u dirtay ehellada iyo asxaabta ay ka baxeen dadkii ku dhintay weerarkaas, waxayna soo kabasho dhaqso badan u rajeysay kuwa ku dhaawacmay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay QM.

UNSOM waxay ku baaqday in cadaalada la soo taago dadkii ka dambeeyay soo agaasinka weerarkaas ismiidaaminta ahaa.

Dhinaca kale dowladda Baxrayn ayaa si adag u cambaaraysay qaraxii shalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu dilay saraakiil, mas’uuliyiin, askar iyo dad kale shacab ah.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada Baxrayn ayay si adag ugu cambaaraysay qaraxaas, waxayna tacsi u dirtay ehellada iyo qoysaska dhammaan dadkii ku dhintay qaraxaas.

Dowladda Baxrayn waxay sheegtay in ay si buuxda u garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si looga guulaysto kooxaha dilalka iyo qaraxyada ka wada gudaha dalka Soomaaliya.