MW Farmaajo oo Jabuuti uga qeyb gelaya shir looga hadlayo xiisada Kenya iyo Soomaaliya

1

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shirka madaxda urur goboleedka IGAD ee maalinta berri ah ka furmaya magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Todobaadkii tagay dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Ra’iisul Wasaaraha Sudan Cabdalla Xamdook, waxaana la filayaa in Ajendaha shirkaas lagu soo daro khilaafka Kenya iyo Soomaaliya, xaalada gobolka Tigray iyo arrimo kale.

Waxaan si rasmi ah loo ogeyn suurta-galnimada inuu shirka kasoo qeyb gali doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo horeay u sheegay in ciidamadiisa uusan ka saari doonin Soomaaliya, ilaa iyo Xxasilooni loogu soo dabaalo.

Soomaaliya ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Kenya u jartay 29-kii November, inkastoo ay Kenya sheegtay inay ka qowmameyneyso tallaabada ay qaaday Soomaaliya, isla markaana ay guddi u saareyso xal u helidda arrintaas.

War kale oo ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay dacwad ka dhan ah Soomaaliya u gudbineyso ururrada IGAD, COMESA iyo Midowga Afrika.

“Dowlada Soomaliya waa ay deg degtay ma aheyn, Anagoo Walaalahood ah in ay xiriirka noo Jaraan, waxaan nahay  deris iyo Saaxiibo aan kala maarmin hadana kama aarsan doono balse waxaan Cabashadeena u gudbin doonaa IGAD, COMESA iyo African Union si naloo heshiisiiyo.” ayuu yiri afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna oo warbaahinta kula hadlay Nairobi.